Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Labo qarax ayaa waxay maanta barqadii ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo isxigay oo loo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aasay ayaa midkood waxaa uu ka ka dhacay wadada Xaafadda Daaru-salaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowlada.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo ahaa mid daryankiisa si xoogan looga maqlay magaalada Muqdisho qerybo ka mid ah.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay wadadda Jeneraal Daauud, kaasoo la sheegay inuusan geysan wax qasaare ah

Qaraxyada maanta ka dhacay wadadda Isku xira Jeneraal Daa’uud iyo Xaafadda Daarusalaam oo kala qeybisa Degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah qaraxyo nooca miinada dhulka ah oo muddooyinkan ka dhacayey Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -