Xus loo sameeyey dadkii ku dhintay qaraxyadii SHAMO iyo Ex-Kontrol Afgooye (Sawirro)

Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho munaasabad duco ah oo lagu xusayey, Ma’suuliyiin, Macalimiin, Waalidiin iyo arday ka tirsan Jaamacadda Benaadir oo ku naf waayey qaraxii ka dhacay hotelka Shamo 3-dii Disembar sanadkii 2019 iyo qaraxii kale ee sanad ka hor ka dhacay Ex-Kontrol Afgooye oo isna dhimasho iyo dhaawac u geystay arday ku sii jeeday xarumaha Jaamacadda.

Qaraxa Shamo oo lala beegsaday xaflad qelin qebin ah oo loo qabanayey arday ka baxday Jaamacada Benaadir ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay Wasiiro ka tirsanaa dowladii KMG aheyd, Weriyeyaal iyo dad kale, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo fara badan, iyadoo noqotay dhacdo uur ku taalo weyn ku reebtay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo illaa maanta aan ka go’in quluubtooda.

Munaasabadan oo lagu xusuusanayey, looguna duceynayey dadkii ku dhintay labadaas masiibo ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan aqalka sare, Masuuliyiin ka kala socotay, ururada bulshada rayidka ah, Jaamacadda Benaadir iyo xubno kale.

Waxaa munaasabada ka hadlay Wasiirkii Hore ee beeraha Xukuumada Somalia Cabdi Axmed Baafo oo ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira dalka iyo sida ay u saameeyaan bulshada, isagoo xusay in Soomaalidu aysan inta badan casharo ka baranin Dhibatooyinka soo mara.

“Bahda Waxbarashada iyo dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin bulshada rayidka ah, sidaas awgeed waa in la xaq dhowro oo la nabadgeliyo maxaa yeelay iyagu cidna cadow kuma ahan ummadda ayey horumarkeeda ka shaqeeyaan” ayuu yiri Baafo oo ku bogaadiyey Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Benadir sida dhabar adeyga leh ee ay uga soo gudbeen marxaladihii adkaa ee soo maray.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. Maxamed Max’uud Xassan (Biday) oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii SHAMO ayaa sheegay in musiibadii Shamo ay Jaamacada ku yeelatay waagaas saameyn aad u adag, ayna ku weysay dad badan oo qiimo leh balse ILAAHAY Mahadii ay soo kabatay dedaal iyo Juhdi badan ka dib, isagoo xusay in maanta Jaamacada Benadir ay ka mid tahay kuwa dalka ugu sareeya, caalamkana laga aqoonsan yahay.

“Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid) oo ka mid ahaa asaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada Benadir iyo Prof. Ibraahim Caddow oo mar Gudoomiye ka soo noqday Jaamacada ayaa ka mid ahaa dadka qiimaha badan ee aan musiibadaas ku weynay, Maamulka Jaamacadu wuxuu ugu magac daray Labo Kambas oo lakala yiraahdo Dr. Shahiid Campus iyo Prof. Ibraahim Caddow Campus si loogu xusuusto kaalintii ay kaga jireen bulshada” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale, Dr. Biday ayaa sheegay in Jaamacadda ay sidoo kale la xanuunsatay waalidiinta ardaydii sanad ka hor maanta oo kale qaraxu dhimashada iyo dhaawaca ugu geystay isgoyska Ex-Kontrol Afgooye, isagoo xusay iney aheyd dhacdo kale oo uurkutaalo leh, ayna Jaamacadu garab istaag u muujisay qoysaska ardaydii waxyeeladu soo gaartay, ayna la qeybsatay murugada, wuxuuna xusay in ardayda dhimatay ay waalidiintood u suurageliyeen iney la yimaadaan arday kale oo si  bilaash ah wax loogu baro, halka ardayda dhaawaca ka soo kabatayna ay Jaamacadu ka joojisay lacagaha bil walba laga qaadi jiray, si loogu dhiirigeliyo iney Waxbarashadooda sii wataan.

Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Somalia oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu horeyn ka codsaday ka soo qeyb galayaasha iney u duceeyaan dhamaan dadkii ku naf waayey labada musiibo,  isagoo dhinaca kale ka waramay aasaaskii Jaamacadda Banaadir sababihii keenay iyo marxalidihii ay soo martay.

Waxaa uu sheegay in dhibaatadii ugu darneyd ee Jaamacadda soo martay ay aheyd qaraxii hotel Shamo xili arday qelin jebisay loo sameynayey xaflad, wuxuuna xusay in qaraxaas ay jaamacaddu ku weysay dhaqaatiir, arday, waalidiin, macalimiin iyo xubno kale ayna kaga dhaawacmeen qaar kale.

“Markii uu dhacayey qaraxaas  anigaa xaflada ka khudbaynayey, runtii dhacdadaas saameyn culus ayey nagu yeelatay hase ahatee nagama leexinin hadafkeenii ahaa inaan umadda dhaxal u reebno, nagamana niyad jebinin, si jaamacadu aysan u burburin inteenii badbaaday  waxaan buuxinay kaalintii ay baneeyeen macalimiintii iyo dhaqaatiirtii dhintay iyo kuwii dhaawaca ahaa dedaal badan ayaana ku bixinay ILAAHAY waa nagu guuleeyey” ayuu yiri Prof. Dufle oo sheegay in dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo ay soo mareen ay sababeen in shacabka Soomaaliyeed iyo ururada caalamiga ah ay ka helaan taageero iyo abaal-marino.

Xubnihii kale ee ka hadlay xuskan ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Mu’asasada tacliinta Sare ee Benaadir Maxamed Dheere, Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Benaadir Dr. C/raxmaan Xassan Cumar, Hormuudka Kuliyadda Culuunta Sayniska, Prof. Xassan Nuur Warsame, aqoonyahano qaar ka mid ah ardaydii ku dhaawacantay qaraxii Ex-Control xubno kale oo Alle uga baryey intii ku baxday labadaas musiibo inuu janadii ka waraabiyo, iyagoo dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey inuu ILAAHAY ka saaro dhibaatada.

Xafiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -