Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa maanta Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Muuse Biixi ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyada Kenya, waxa uuna kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay kawada hadleen arimo dhoor ah oo labada dhinac khuseeya.

Madaxweynaha dalka Kenya iyo Madaxweynaha maamulka Somalilandv ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay kulamo kale u balameen si loo dhameestiro wadahadalkooda iyo is fahan labada dhinac dhax mara.

Uhuru Kenyatta ayaa casuumad rasmi ah u diray Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana kulankan uu kusoo beegmay xili khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Dowladaha Kenya iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo labo todobaad u qabtay Masuuliyiin hore

Caydiid Ali

Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah oo ka falceliyey go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada

Caydiid Ali

C/llaahi Max’uud Xeyle oo caawa lagu dilay meel ku dhow Madaxtooyada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---