Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/llaahi Max’uud Xeyle oo caawa lagu dilay meel ku dhow Madaxtooyada Somalia

Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu caawa ku dilay Magaalada Muqdisho marxuum Cabdullaahi Max’uud Xeyle oo ka tirsanaa musharaxiintii u tartamay xildhibaanada Baarlamanka Somalia labo sano ka hor.

Dilkan ayaa ka dhacay suuq-yaraha Baar Bulsho oo ku dhow taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho halkaasoo aan ka fogeyn madaxtooyada Somalia, sidoo kalena kaabiga ku haya baro kontrol oo ay joogaan ciidamada amniga.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumada Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku sheegtay barteeda facebook in marxuumku ku noolaa gurigeeda, kooxihii dilayna lagu raad joogo.

“Innaa Lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Marxuum Cabdulaahi Maxamuud Xeyle wuxuu ahaa murashixii ka tanaasulay inuu igula tartamo kursiga xildhibaanimo ee aan ku fadhiyo, muddadii dambe oo dhan wuxuu igula noolaa gurigeyga, marxuumka afurkii ka dib caawa ayaa gacan ka xaq-daran ku dishay Suuq-yaraha baar bulsho (Taaladda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan hoostiisa) waxaana gacan ku dhiig-laha arxanka daran ku raad-jooga ciidanka Booliiska” ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Qoraalkeeda kuma faahfaahinin wasiirada cida ka dambeysay dilka marxuumka iney ahaayeen Al-shabaab iyo in kale, hase ahaatee dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca magaalada Muqdisho maanta, saaka ayeyna markii askari ka tirsan ciidamada dowlada uu Muqdisho ku dilay darawal mooto bajaaj qof kalena ku bdhaawacay inkastoo la qabtay xabsigana la dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Bankiga dhexe ee Somalia oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey weerar weli ka socda dhisme ku yaalla xaafada Mirinayo

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo labo garab u kala jabay iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade