Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Casuumay Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Muqdisho ku sugan.

Kulanka Casho sharafta waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Gudoonka iyo xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka hadlay casho sharafta ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed dalka iyo sidoo kale isbadala waa weyn ee xiligan ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Casho sharaftan Madaxweynaha Soomaaliya u sameeyay Gudoonka iyo Xildhibaanada Galmudug ayaa kusoo aadaya xili habeeno kahor casho Sharaf u sameeyay Xildhibaanadan Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre oo saaxiibo badan ku leh Xildhibaanadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka golaha Wasiirada Somalia oo looga hadlay qodobo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo ka dhoofay dalka Sudan iyo halka uu aaday oo al shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---