Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Imaaraadka oo dayuurado gargaar sida ka dejiyey Magaalada Hargeysa

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa waxaa garoonka dayuuradaha Cigaal ee magaaladaas ka dagay laba Dayuuradood oo ah nooca Helicopterka.

Dayuuradahaas ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan inay sidaan raashin gargaar ah oo loogu talo galay dadkii uu saameeyey roobkii duufaanta watay ee ka da’ay degaano ka mid ah Maamulka Somaliland.

Dayuuradahan gargaarka sida ayaa waxaa la sheegay inay ka yimaadeen wadanka isutaga Imaaraadka Carabta oo bilihii u dambeysay xiriir fiican la lahaa maamulka Somaliland.

Raashinkan ayaa la gaarsiinayaa dadkii uu saameeyey roobkii duufaanta watay ee ka da’ay Somaliland waxaana raashinkaas sii qaadi doonaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdiraxmaan Faroole oo mar kale loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Cabdi Cade

Ciidamo cusub oo Milatari ah oo la geeyay Degmo Al Shabaab Go’doomiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Halkee Farmaajo ka geli doonaa Habaarka Ikraan Tahliil Faarax Hooyadeed?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---