Caro iyo Hadal heyn ka dhalatay gabar sawir iska qaaday iyadoo xiran labiskii faraaciinta !!

Warbaahinta iyo baraha bulshada gudaha dalka Masar ayaa si weyn looga hadal hayaa haweeney sawirro isaga qaaday ahmaarta dalka Masar iyadoo xiran dharkii ay xiran jireen faraaciinta.

Dadka sida weyn u isticmaala baraha bulshada ayaa hadal haya sawirka haweeneydan oo lagu magacaabo Salma El Shimi, isaga qaaday ahraamta Masar, waxa ayna dadka qaar tilmaameen in haweeneydan mudan tahay in la xiro maadaama ay dhaqanka ku xad gudubtay halka kuwa kalana sheegayaan in aysan qalad sameyn.

Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta, Dr Mustafa Waziiri, ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo haweeneydan sawirka isaga qaaday Ahmaarta Masar iyada oo xiran dharka faraaciinta.

Waxa uu sheegay Dr Mustafa Waziiri in wasaaradda dalxiiska iyo arrimaha aathaarta ee Masar looga baahan yahay in  mar kasta isha ku heyso ilaalinta goobaha qaddiimiga ah iyo taariikhda xadaaradda Masar.

Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta ayaa cadeeyay in qof kasta isku dayo in uu ku xadgudbo aathaarta iyo xadaaradda Masar tallaabo laga qaadi doono.

Sawirka haweeneydan iska qaaday kuna baahisay baraha bulshada ayaana dood iyo caro badan ka dhax abuuray baraha bulshada, lamana oga talaabada haweeneydan ka qaadi doonto dowlada Masar hadii lagu helo in ay ku xadgudubtay dhaqanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -