Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday saldhig ay leeyihiin Milatariga Soomaaliya

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa dhoor jiho ka weeraray saldhiga ciidanka milatariga ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Warbaahinta Al Shabaab taageerta ayaa ku warantay in dagaalka kula wareegeen dagaalyahanada Al Shabaab xerada ay weerara ku qaadeen ayna ku qabsadeen shan gaari oo nuuca dagaalka ah.

Isgaarsiinta deegaanka Bacaadweyn ayaana hawada laga saaray, waxaana adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo waliba cida deegaankaasi hada gacanta ku heysa.

Deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxaa saldhig ciidan ku leh ciidanka milatariga Soomaaliya qeybta 21-aad, waxaana deegaankan horey uga dhcay weeraro kale ay geesteen Al Shabaab.

Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -