Cabdirashiid Janan oo shaaca ka qaaday Qorshayaal uu ka diiday Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Wasiirka Amniga Jubbaland Cadirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa shaaciyay wadahadalo qarsoodi ah uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Nabad Sugida in uu fashil kusoo dhamaaday .

Wareysi uu bixiyay Cabdirashiid Janan ayuu ku sheegay in uu siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya  Farmaajo & Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin una soo bandhigeen qorshayaal ka dhan ah Axmed Madoobe balse uu ka diiday.

Janan ayaa sheegay in Fahad Yaasiin kula kulmay magaalada Nairobi isla markaana uu u sheegay in uu doonayo in uu arrin kala hadlo, balse ka hor ay meesha ka saarayaan warqad waaran dacwadeed ah oo horay dowladda Soomaaliya ay uga gudbisay.

Waxa uu sheegay Janan in safar deg deg ah kusoo gaaray Muqdisho lana kulmay xili habeen ah Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in Farmaajo ka codsaday in uu fashiliyo doorashada Jubbaland uu Axmed Madoobe abaabulayay balse uu ka diiday.

“  Waxaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ii soo baxday in uusan diyaar u aheyn in uu la heshiiyo Axmed Madoobe, waxaa ii soo baxday khatar ah in  Shacabka Soomaaliyeed ee hal qoys isku ah oo degan jubbaland in la isku diro oo dhibaato ka imaan karto shaqsiyan, waxaana u sheegay in arrintaasi sax aheyn asigana dani ugu jirin ayuu yiri” Wasiir Janan.

Janan ayaa xusay in jubbaland ay degan yihiin 36 Beelood ayna suuratagal aheyn in la iska horkeeno, sidoo kale Madaxweyne farmaajo  uu sheegay in uu weeydiiyay tallaabada uu qaadi doono hadii Axmed Madoobe ay doortaan 75 Xildhibaan oo ka kooban yahay Baarlamaanka Jubbaland uuna ugu jawaabay inay la Shaqeeynayaan balse Taliyaha NISA uu ii sheegay inay la dagaalamayaan Axmed Madoobe hadii la doorto taasina ay dhacday.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cadirashiid Janan ayaa markii dambe dowlada Soomaaliya ka qabatay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde xili uu taransit kusii marayay, waxa uuna Janan oo mudo ku xirnaa Muqdisho markii dambe ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -