Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo saakay weerar ku qaaday Jabhada uu hogaamiyo Jeneraal Xuud

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar ku qaaday deegaano dhaca duleedka magaaladaasi oo fariisin u ahaa ciidamo Jabhad ah oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Wararka aan ka helnay Baladweyne ayaa sheegaya in ciidamo isugu jira milatari, Nabad sugid iyo booliis saakay weerar ku qaadeen deegaano kuyaala duleedka Baladweyne oo maalmahan fariisin ka sameesteen ciidamo uu hogaamiyo sargaal hore.

Dagaal kooban ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac dhax maray, waxaana koontaroolo ay joogeen isaga baxay ciidamo uu hogaaminayay  Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah sargaal hore oo katirsanaa milatariga Soomaaliya.

Ciidamada dowlada ayaana lagu soo waramayaa in koontaroolo kuyaala duleedka magaalada Baladweyne kala wareegeen ciidamada jabhada ah ee kasoo horjeeda maamulka cusub ee Hirshabelle.

Maleeshiyaadka hubeesan uu hogaaminayo Jeneraal Xuud ayaa la sheegay in ay u baxeen dhinaca buuraha iyo miyiga banaanka magaalada Baladweyne, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale labada dhinac dagaal dhax maro.

Jabhada uu hogaamiyo Janaraal Xuud ayaa maalmahan dhan diidanaa in magaalada Baladweyne uu yimaado Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dhoor mar ka baaqsaday safar uu ku tagi lahaa magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Muddo kadib maanta ku dhax lugeeyay xarunta Madaxtooyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo la kulmay Madaxweynaha Suuriya shuruudo adagna hordhigay

Cabdi Cade

Shacab badan oo ku dhintay gaari khudaar siday oo miino ay kula qaraxday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---