Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax uu fuliyay qof jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa uu ka dhacay Maqaayad lagu magacaabo Jalaato Divino oo kutaala wadada u dhaxeysa garoonka Aadan Caddee iyo Isgooska KM-4 gaar ahaan agagaarka Sahal Terminal.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qofkan waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu galay maqaayada iskuna qarxiyay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa dad u badnaa dhalinyaro.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan oo goordhaw dhacay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamada amaanka oo goobta xiray, waxaa sidoo kale goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega.

Maqaayada qaraxa ka dhacay ayaa inta badan waxaa waqti ku qaadan jiray dhalinyaro isugu jira shaqaale dowladeed iyo dhalinyaro caadi ah, waaan goob inta badan mashquul ah ay dad badan fadhiistaan.

Waxii kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo diyaarad saartay ciidankii ay ku qabteen Raaskanbooni (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax ay ku dhinteen Hooyo iyo carruurteeda oo ka dhacay Deegaan Al Shabaab shalay laga saaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Axmed Madoobe oo laga sagootiyay magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---