Daawo Sawirada: Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Diyaarad kusoo dhacday Tooro Toorow

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee Drones ay kusoo dhacday deegaanka Tooro toorow ay maamulaan Xarakada Al Shabaab.

Diyaaradan oo ah nuuca wax basaasa ayaa la rumeesan yahay in ay leedahay dowlada Mareykanka , waxaana diyaaradan gacanta ku dhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugan deegaanka Toora Toorow.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in diyaarada markii ay soo dhacday la wareegeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana diyaaradan Al Shabaab u qaateen xarun iyaga u gaar ah.

Dowlada Mareykanka ayaa duqeymaha ay ka fuliso gudaha Soomaaliya u adeegsata diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones, waxaana marar badan diyaaradahan qaarkood ay kusoo dhaceen deegaano Al Shabaab maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -