Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

DEG DEG: Diego Armando Maradona oo geeriyooday isagoo 60 sano jir ahaa

Diego Armando Maradona oo ahaa Xiddigii hore ee xulka kubada cagta Argentina ayaa goordhow geeriyooday isagoo ahaa 60 sano jir ah, labo todobaad ka dib markii uu ka soo baxay Isbitaalka.

Wararka ayaa sheegaya in geeridiisa ay timid ka dibĀ  markii uu wadnuhu joogsady, isagoo oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Maradona, ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa ebid adduunka, wuxuu ka caawiyay Argentina inay ku guuleysato Koobkii Adduunka ee 1986.

Maradona ayaa isbitaal la dhigay dhowaan, waxaana lagu sameeyey qalliin deg deg ah si looga soo saaro xinjirowga dhiigga ee maskaxda.

LA SOCO FAAHFAAHINTA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxa Siyaasada ururka Xamaas oo tagay Iran lana kulmay Ayatullah Cali Khamenei

Cabdi Cade

Raisul wasaare Abiy Axmed oo shaqada ka eryey Saraakiil hor leh, kuwo cusubna ku bedelay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Shaaca ka qaaday in aan marnaba la cabsi gali karin !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---