Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Rooble oo dhagax-dhigay Mashaariic laga fulinayo magaalada…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in xukuumaddiisu xoogga saareyso dhismaha kaabayaasha adeeggyada bulshada.

Saddexda mashruuc ee Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagax dhigay Xaafadda Barwaaqo ayaa kala ah Dhismaha Machadka daraasaadka Islaamka, Xarunta Xannaanada caruurta iyo Isbitaal, si deegaanku u noqdo mid laga helayo dhammaan adeegyadii isaasiga ahaa.

“Maanta waxaan dhagaxdhignay xarumo muhiim u ah bulshada deegaanka Barwaaqo,, tanoo qeyb ka ah Maamul daadajinta iyo in shacabka loo dhaweeyo adeegyada aasaasiga ah”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlayay shacabka deegaanka ayaa kula dardaarmay in maamulka lagala shaqeeyo dib u dhiska, isla markaana ay doorkooda ka qaataan wax walba oo horumarkooda kor u qaadaya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala heerar kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo Shiinaha uga mahadcelisay taageero ay u muujisay

Cabdi Cade

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dib loo furay & shuruudo cusub oo la soo rogay

Caydiid Ali

Israa’iil oo durba cabsi weyn ka muujisay Madaxweynaha cusub ee dalka Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---