Israa’iil oo durba cabsi weyn ka muujisay Madaxweynaha cusub ee dalka Iran

Garsoore sare Ebrahim Raisi, ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Iran, waxaana Madaxweynaha cusub ee hogaamin doona Xukuumada Tehran walaac ka muujiyay qaar kamid ah wadamada Reer Galbeedka iyo maamulka Israa’iil.

Maamulka Israa’iil ayaa ugu baaqay wadamada caalamka gaar ahaan kuwa reer Galbeedka in walaac xoogan ka muujiyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Iran Ebrahim Raisi, ay ku tilmaameen mid mayal adag.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil, Lior Haiat, ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Iran uu yahay madaxweynaa ugu mayalka adag ee soo mara  Iran, waxa uuna xusay in Ra’isi in uu kordhin doono howlaha nukliyeerka ee Iran.

Madaxweynaha cusub ee dalka Iran Ebrahim Raisi, oo horey u ahaa garsoore sare ayaa Mareykanka saaray cunaqabateyn iyagoo ku eedeeyay in uu ka dambeeyay dilal loo geestay maxaabiis siyaasadeed oo kasoo horjeeday Kacaanka Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -