Gabar dhalinyaro ah oo isku del deshay Xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Gabar yar oo da’deeda lagu sheegay 15-sano jir ayaa maanta guri ay kaga nooleed xaafada Saban Saban ee degmada Dayniile loogu tagay iyada oo meyd ah oo qoorta ugu xiran yahay xariga la sheegay in ay isku del deshay.

Haweeney daris la ah gabadha la sheegay in ay is dishay ayaa Shabakada Allbanaadir u sheegtay in gabadha yar oo guriga looga tagay la arkay iyada oo meyd ah qolka ay ku jirtana loogu tagay kursi sariirta saaran iyo xariga qoowra ugu jiray.

Waxa ay sheegtay haweeneydan in aan wali la ogeyn sababta ay gabadhan yar isku del deshay , waxa ayna xustay in dad daris ah gabadhan yar arkeyn markii guriga banaankiisa ka qaadeen cunug yar oo gabadha looga tagay oo banaanka ku oyneysa.

Hooyada gabadhan ayaa sheegtay in wax dhibaato ah ku ogeyn gabadheeda yar, waxa ayna hooyadan sheegtay in kaliya gabadha maalmahan ku cel celineysay in ay u iibiso moobeel ayna u sheegtay in aysan awoodin oo aheyd qof xamaali ah.

Dhacdada gabadhan  yar isku del deshay ayaana murugo badan ku abuuray dadka degan xaafada ay kunooleyd gabadhan, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dareen murugo leh xumbaarsan isweediimana dhalisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -