Mahdi Guuleed ” Farmaajo Doorashada dhaceysa Sidii Galmudug iyo Hirshabelle ayuu ugu soo baxaa ‘!

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada dalka Mahdi Guuleed oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay tiyaatarka Qaranka ayaa cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo guul weyn kasoo hoyin doono doorashada dhaceysa sanadka soo socda horaantiisa.

Mahdi Guuleed ayaana sheegay in Madaxweyne Farmaajo doorashada soo socota ku guuleesan doono wareega koobaad sida ay ugu guuleesteen doorashada Madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo si weyn ugu ololeenaya in Madaxweyne Farmaajo mar kale la doorto ayaa ugu hambalyeeyay taageerayaasha Farmaajo in Madaxweynaha kusoo bixi doono wareega koobaad ee doorashada iskuna diyaariyaan.

“Doorashadii Koofur Galbeed Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu ku guuleystay aqbaliyad wareeggii koowaad, doorashadii Galmudug Madaxweyne Qoorqoor wuxuu ku guuleystay wareega 1aad, tii Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa wareegga koowaad ku guuleystay, doorashada soo socota 2021 yaa loo daymo la’aan”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale munaasabada ka sheegay in ay dhamaatay in musharax dowlado shisheeye taageeraaan dibadad looga keeno Soomaaliya, isagoo uga jawaabayay hadal kasoo yeeray Madaxwewyne kuxigeenka Kenya.

Hadalkan kasoo yeeray Mahdi Guuleed ayaa kusoo aadaya xili musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya walaac ka muujiyeen guddiga doorashada oo ay sheegeen in ay yihiin Nabad sugida iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -