Dowlada Qatar oo si adag uga hadashay Heshiiska Wadamo Carbeed la galeen Isra’iil

Dowlada Qatar ayaan ku farxin heshiisyadii ay gaareen qaar kamid ah Wadamada Carabta iyo maamulka Israa’iil, waxa ayna Qadar heshiisyadaasi ku tilmaantay kuwa saameyn xun ku yeelanaya helitaanka dowlada ay yeelato Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Sheekh Maxammed bin Cabdulraxman Al-Thani  ayaa sheegey in xiriirka dhax maray Israa’iil iyo Wadamo Carbeed uu dhabar jab ku yahay dadaaladii lagu doonayay in lagu helo dowlada ee yeeshaan Falastiin.

“Waxay ila tahay inay wanaagsanaan laheyd in la helo Carab mideysan oo danaha Falastiiniyiinta ka dhigta midka koowaad, soo afjarana heysashada maamulka Israel.” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Qatar.

Wasiirka ayaa sheegey in kala qeybsanaanta Carabta aanay caawineyn dadaallada wadajirka ah ee Carabta ee ku aaddan in Israel ay la xaajooto Falastiin, islamarkaasina la dhammeeyo khilaafaadka tobannaanka sano ka dhaxeeyay labada dhinac.

Dowladaha Imaaraadka , Baxreyn iyo Sudan ayaa heshiis lagu soo celinayo xiriirka la gaaray maamulka Israa’iil, waxaana heshiisyadaasi dowladaha Carabta ku cadaadisay dowlada Mareykanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -