Muuse Biixi oo kormeeray garoonka Ciyaaraha Hargeysa oo Shaqaaqo ka dhacday (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Istaadiyam oo ay si habmsi leh uga socdaan ciyaaraha gobollada Somaliland.
 
Muuse Biixi kormeer shaqo oo gaar ah ku tegay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Istaadiyam, halkaas oo ay ka socdaan ciyaaraha kubbadda cagta ee gobollada Somaliland oo haatan maraya heerka afar-dhammaadka, waxana uu indhihiisa ku arkay diyaar-garowga ka socda garoonka iyo hawsha culus ee ay ku jiraan hawl-wadeennada ciyaaraha hagaya iyo ciidamada amniga sugayaa, waxana uu isla garoonka dhexdiisa kula kulmay salaadiinta, cuqaasha iyo siyaasiyiinta degmada Axmed-dhagax ee uu garoonku ku yaalla, kuwaas oo taageerayaasha kala duwan iyo ciyaaryahannadaba farriimo u diray.
 
 
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ciyaaraha gobollada ee haatan dalka ka socdaa ay Somaliland usoo jiideen sumcad, islamarkaana ay muujisay awoodda xirfadeed ee ciyaaryahannada Somaliland leeyihiin, waxana uu yidhi,
 
“Waxan Ilaahay ugu mahadnaqaynaa sidii wanaagsanayd ee ciyaaruhu inoogu socdeen iyo ciyaartii adduunka oo dhammi ka yaabay inay Somaliland awooddaas ciyaareed leedahay, maamulkaas iyo kooxahaas sida fiican u ciyaaraya Ilaahay baa lagu mahadiyaa, Ilaahayna waxan ka rajaynayaa inay inoo sii socdaan oo ay noqdaan hawl fiican oo aynu dhammaanteen isla oggolnahay oo sumcaddeenna iyo dhallinyaradeennaba kor u qaadday, waana aannu sii wadaynaa ciyaaraha haddii Allah yidhaahdlo.”
 
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay ciyaaruhu si nabad ah u socdaan, isagoo ammaanay ciidamada ammaanka ee amniga dhawraya,
 
“ Dadweynaha Hargeysa deggen, ciyaartowda iyo madaxda ciidamada waxan leeyahay waa nabad ciyaaruhuna nabad bay ku soconayaan, waynu ku filanahay, ciidamadana waan ku ammaanayaa dulqaadka iyo siday u shaqeeyeen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
 
Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey dhammaanba ciidamadii iyo taageerayaashii kala duwanaa ee ku waxyeelloobay shaqaaqadii ka dhacday ciyaartii shalay dhexmartay gobollada Hawd iyo Daad-madheedh, waxana uu dhallinyarada ku waaniyey inay shucuurtooda kaantaroolaan xilliyada ciyaaruhu socdaan, isaga oo warbaahintana uga digay inay baahiyaan inay warar fidno iyo amni-darro abuuri kara gaadhsiiyaan dhegaha dadweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -