Abiy Axmed oo magacaabay Taliyaal ciidan iyo Madaxweynihii Amxaarada oo is casilay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilka looga qaaday Wasiirkii arimaha Dibadda Itoobiya iyo sidoo kale taliyaal katirsan ciidamada kala duwan ee dowlada Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa wareegtada uu soo saaray kuxigeenkiisa  Demokan Mekonan ugu magacaabay xilka Wasiirka arimaha Dibadda Itoobiya , waxa uu sidoo kale Madaxweynihii maamulka Amxaarada oo is casilay maanta u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya uu u magacaabay, Birhaanu Juli, halka Janeraal Ababaw Tadesse uu isna u magacaabay Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha Itoobiya magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada booliiska Itoobiya oo loo magacaabay Demelash G. Michae, Abiy ayaa sidoo kale isbadal ku sameeyay talisyo kale oo ciidamada katirsan.

Magacaabista taliyaashan cusub iyo isbadalka lagu sameeyay ciidamada kala duwan ee Itoobiya ayaa imaanaya xili ciidamada Itoobiya dagaal xoogan kula jiraan xoogaga taabacsan ismaamulka Tigrey oo kasoo horjeestay dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -