Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Abiy Axmed oo shaaciyay in la bur buriyay hub iyo gantaalo culus ay lahaayeen xoogaga Tigrey

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay Warbaahinta dowlada ayaa guulo ka sheegtay howlgalada ciidamada milatariga federaalka Itoobiya ka wadaan. gobolka Tigrey .

Abiy Axmed ayaa sheegay in duqeymo lagu bur buriyay bartilmaameedyo kuyaal gobolka Tigrey, waxa uuna sheegay in duqeymahaasi lagu bur buriyay gantaalo, madaafiic, raadaro iyo hub kale oo gacanta ugu jiray xoogaga Tigrey.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya madaaficda la burburiyay qaarkood ay masaafo ahaan gaari lahaayeen 300 oo km, waxa uuna cadeeyay in duqeymaha sii socon doonaan ilaa laga adkaado xoogaga Tigrey ee dagaalka kula jira dowlada.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa meesha ka saaray in duqeymaha lala beegsaday goobo shacab, waxa uuna tilmaamay in duqeymaha lala beegsaday kaliya xarumo milatari iyo bakhaaro hub ku keedsanaayeen.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Dowlada federaalka Itoobiya iyo xoogaga taabacsan Xisbiga TPLF ee kataliya gobolka Tigrey ayaa laga cabsi qabaa in uu sii xoogeesto iskuna bedelo dagaal sdukeeye oo dalkaasi ka qarxa.

Related posts

Daa’uud C/rashiid Xuseen (Abdi Kaafi) oo la soo qabtay laguna soo bandhigay Baydhabo

Caydiid Ali

Wiil Jaamacad ka baxay oo looga shakiyay in uu xaday Rooto oo nolosha la dhaafiyay

Cabdi Cade

Xukuno Dil iyo xarig isugu jira oo lagu riday askar katirsan ciidanka Dowladda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---