Pogba oo si kulul uga hadlay Wararka sheegaya inuu ka baxay xulka Faransiiska

Laacibka qadka dhexe uga ciyaaraa kooxda Manchester United, Paul Pogba ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu xulka qaranka Faransiiska ka baxay ka dib hadalladdii madaxweyne Macron ee Muslimiinta ku wajahnaa.

Waxaa jira warar sheegaya in ciyaaryahankan caalamiga ah uu ka baxay xulka qaranka si uu u muujiyo caradiisa ku aadan hadalka madaxweyne Macron ee islaamka loogu gefay.

Pogba ayaa wararkaas ku tilmaamay been abuur, isagoo xusay inuu warbaahinta la tiigsan doono wargeysyadii faafiyay.

“Waan la yaabay, waan xanaaqay, waan ku wareeray, waana ka argagaxay markii qaar ka mid ah (warbaahinta) ay igu soo leexiyeen warar gebi ahaanba been ah iyo cinwaano la xiriira mowduuc xasaasi ah”, ayuu yiri Pogba

Qaar ka mid ah wargeysyada Britain ayaa qoray warar ay ku sheegeen in Bariga Dhexe ay ka soo xigteen oo sheegaya in Pogba uu doonayo in uu xulka qaranka Faransiiska ka tago, ka dib markii Madaxweynaha dalkaas uu sheegay in uu ka hortagayo Islaamka xagjirka ah taasoo ka dhalatay weerarkii lagu dilay macallinkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -