Madaxweyne Biixi oo la kulmay Safiirka dal aan Dunida laga aqoonsaneyn (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Taiwan ku leeyahay Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.
 
Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada maamull, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii Taiwan uga caawin lahaa Somaliland mashaariicda biyo balaadhinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xidheenada ama dhaamamka iyo sidii Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada oo Taiwan uu Somaliland ka gacan siiyo una fudaydiyo in Ardayda Somaliland ay ka helaan dalkaasi waxbarasho bilaash ah (Scholarships).
 
Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xidhiidhka labada Dal.
 
Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -