Madaxweyne Trump iyo Obama oo hadaladii ugu kululaa isku weeraray

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Madaxweynihii ka horeeyey Barack Obama, ayaa ereyo kulul isku weeraray intii ay socdeen isku soo baxyo iska soo horjeeda oo ay qabteen.

Trump ayaa weerrar kulul ku qaaday Obama saacad ka hor markii ugu horraysay tan iyo shirweynihii bishii Agoosto ay Dimoqraadiyiinta qabsadeen wax ka sheegay ololaha Trump.

“Cid si adag ugu ololaysay Hillary Clinton oo aan Obama ahayn ma aanay jirin, sax?” Mr Trump ayaa dadkii isu soo baxa ka qeybgalay u sheegay, kuwaasoo buuqayay markii ay maqleen magaca Hillary. “Aad buu isugu dhexyaacsanaa,” ayuu sii raaciyay Trump.

“Waxay ila tahay in qofka kaliya ee Hillary habeenkaas ka muruagada badnaa uu ahaa Barack Xuseen Obama” ayuu Madaxweynaha intaas ku daray.

Waxaa hadalkaas si kulul uga jawaabay Barack Obama.

Mar uu kula hadlayay gobolka Pennsylvania taageerayayna musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayuu Mr Obama Trump ku tilmaamay “adeer wareersan”, isagoo intaas ku daray inuu dhiirigaliyo cunsuriyiinta.

Waxa uu sheegay in haddii Mr Biden uu guulaysto, “uusan noqon doonin madaxweyne sida uu rabo u dhaqmo oo qofkii aanan taageerin caaya, ama ku handado inuu xabsiga dhigi doono. Taasna ma ahan hab dhaqan caadi ah oo madaxweyne.”

Iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashadan, ayaa Mr Biden waxa uu aad ugu horreeyaa aaraa’da guud ahaan dalkaas laga uruuriyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -