Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Odayaasha soo dhisaya maamulka Hirshabelle oo gaaray Jowhar (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle gaaray qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka labaad uu yeelanayo dowlad goboleedka Hirshabelle.

Odayaashan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle iyo waxgarad, waxaana loo galbiyay Odayaasha goob gaar ah oo loo diyaariyay in ay degaan.

Waxaa sidoo kale la filayaa maalmaha soo aadan in magaalada Jowhar gaaraan odayaal kale oo wax kasoo xulaya Xildhibaanada maamulka Hirshabelle oo dhawaan la filayo in lagu soo dhiso Jowhar.

Guddiga qaban qaabada Doorashada iyo dhismaha baarlamaanka labaad ee Hirshabelle ayaa dhawaan ugu baaqay Odayaasha dhaqanka beelaha dega Hirshabelle in ay soo gaaraan Jowhar si ay usoo xulaan Xildhibaanada ku matalaya maamulka Hirshabelle.

Qaar kamid ah beelaha dega Hirshabelle ayaa saluugsan sida uu u socdo dhismaha maamulka Hirshabelle, waxa ayna waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelahan ku eedeeyeen Villa Soomaaliya in ay bur bur u horseedeyso Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ugaas C/llaahi Ugaas Faracade oo baaq muhiim ah u diray Guddiga Farsamada Galmudug

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Siyaasiyiin Dowlada Mucaarad ku ah oo la kulmay Hey’adda Culimada Soomaaliyeed

admin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Adis Ababa ka degay kana cadeenaya Mowqifiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---