Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo ku laabtay Aqalka Cad iyo Dood ka dhalatay Hab dhaqankiisa !(Sawirro)

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa maalmo kadib laga saaray isbitaalka militariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland halkaas oo looga daweenayay cudurka Caronavirus oo ku dhacay

Donald Trump ayaa dhaqaatiirtii xaaladiisa gacanta ku heysay sheegeen in xaaladiisa ay hada wanaagsan tahay, waxa uuna Madaxweynaha durba ku laabtay Aqalka cad ee dalka Mareykanka looga arimiyo.

Madaxweyne Trump ayaa muuqaalo laga soo duubayay la arkayay isaga oo aqalka cad galiya isaga oon  xirneyn waji daboolkii, waxa ayna dadka ku dhaliileen in uusan qaadaneyn talaabooyinka caafimaad ee kahortaga faafitaanka Caronavirus.

Imaanshihiisa Trump ee Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu fariin dhinaca twitterka ah oo uu soo diray ku qoray in dadku aanay viruska ka cabsan, kaas oo dilay dad ka badan 210 ku qof oo Maraykan ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu hada dareemayo xaalad wanaagsan kana soo kabsaday qatarta cudurka Caronavirus, waxa uuna taageerayaashiisa u sheegay in hada xaalkiisa wacan yahay wax walbana caadi yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Isbitaalka Garoowe ku booqday dhaawacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Heshiiski ku biirista Soomaaliya ee Ururka bariga Afrika EAC oo su’aalo laga keenay

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Xaalada argagaxa leh ee caawa ka jirta Gaza & xasuuqa dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---