Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oo Warbixin laga siiyay sida loo qabanayo Doorashada Golaha Shacabka (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Baydhabo gaaray.
 
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulan saacado qaatay la yeeshay Gudiga ayaa ka dhagaystay Warbixin ku saabsan waxyaabaha uqabsoomay iyo qorshaha uga degsan sidii ay uqaban lahayeen Doorashada Xubanaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
 
Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Ciro) iyo Gudoomiyaha Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha Warbixin uga siiyey Udiyaar garowga Doorashada Aqalka Hoose Dhinacyada Farsamada,Foomamka,Habraacyadii lagu shaqaynayey iyo Maaliyada waxaana dhanka kale Gudiga ay ka warbixiyeen sida ay doonayaan inay uqabtaan Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Gudiga Hir-gelinta ayaa dhanka kale Madaxweynaha ku bogaadiyey Dadaalkii uu ku bixiyey soo afjarada khilaafkii ka dhexeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Warbixinta ay la wadaageen.
 
“Waxaan idinkaga Mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waan idinkugu bogaadinayaa dadaalkiina ku aadan hir-gelinta doorashooyinka dalka,waxaa naga goan kan dowlad goboleedka koonfur galbeed ahaan inaan doorashada ku qabano sida ugu dhow.
 
Gudiga Hirgelinta Doorashoiyinka Heer Federaal ayaa Maalmo joogi doona Magaalada Baydhabo si ay kulan ula qaataan Qeybaha kala duwan bulshada Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=pHS8fVlh0RM

Related posts

Koonfur galbeed oo shaacisay qabashada 3 ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim

Caydiid Ali

NISA oo shaacisay in uu is casilay madaxii Amniyaatka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---