Ciidamo Maraykan ah oo ku qulqulaya Sacuudiga & xiisad sii kordheysa (Sawirro)

Mareykanka ayaa boqolaal askari oo ciidamadiisa ah u diray dalka Sacuudiga, kadib markii Boqorka Sacuudiga uu dalbaday in ciidamadaasi loo keeno xilli ay sii kordheyso xiisada ka taagan dalalka reer Galbeedka iyo dalka Iiraan.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa baahisay in Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/acsiis uu ansixiyey ciidamada Mareykanka ee la geynayo Sacuudiga, laakiin saxaafadda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadasi ay bishan oo dhan ku qulqulayeen saldhiga ciidamada Suldan ee duleedka magaalada Riyaad.

Ciidamadan ayaa wata diyaaradaha dagaalka iyo gantaalaha difaaca ee Patriot, waxaana lagu wadaa inay diyaar u noqdaan dagaal bisha soo socota iyadoo tiradooda ay gaari doonto wax ka badan 2,000 askari oo u badan ciidamada cirka, waxayna kordhin dontaa joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Bariga dhexe oo hore saldhiyo waaweyn ugu lahaa dalalka Baxreyn, Qatar iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer sheegay in haddii Sacuudigu doonayo inuu ilaaliyo Mareykanka ay tahay inuu taas bedelkeed bixiyo lacag.

Sacuudiga ayaa sanad walba Maraykanka iyo reer galbeedka ka iibsada hub casri ah oo qiimihiisa lagu qiyaasay balaayiin dollar, sidaasoo ay tahay Sacuudiga ayaa isku kalsooneyn milateri ahaan, iyagoo maciin bida ciidamada shisheeye marka ay khatar ka soo wajahdo dalalka goboka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -