Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dagaal ka dhacay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Dagaalo ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 21-aad weerar qorsheysan waxay ku qaadeen degaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

“Ciidanka Xoogga ayaa ku baxay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad shacab ah ku dhibaateynaya deegaankaas, halkaas waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo ugu danmbeyn qasbay iney argagixisada isaga cararaan deegaanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada

Ciidamo ka tirsan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad oo howlgalkan fuliyay ayaa ku sugan aagii lagu dagaalamey, waxaana goobta isaga baxay Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan.

Khasaare nafeed ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkan kaasoo aan faahfaahin rasmi ah laga helin inta uu le’eg yahay, waxaana socda howgalo baaritaano ah oo ay degaanka ka wadaan ciidamada DF, mana jiro war Al-shabaab ay ka soo saartay dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada 16 ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo la hakiyey (Sababta)

Caydiid Ali

Nin katirsan Xamaas oo farsamo cajiib ah u adeegsaday dilka askar Israa’iiliyiin ah

Cabdi Cade

Dowladda Somalia gacanta ku dhigtay shabakad ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Caydiid Ali
Taboola Ads ---