Faahfaahin: Dagaal hub culus la isku adeegsaday oo mar kale ka dhacay duleedka Muqdisho

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaanka Ceelashada biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasoo saldhig milateri ay ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhiga  ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaanka, iyadoo kadibna uu halkaas ka dhacay dagaal toos ah oo la isku adeegsaday hub kala nooc ah

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo kuwa AMISOM, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo noqonaya kii labaad ee todobaad gudihiis lagu qaado saldhigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -