Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo khadka telefanka kula xiriiray Raisul Wasaare Xamduuk

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la dareemayaan walaalahooda Suudaan murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda dalkaas aan walaalaha nahay khasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee ka dhshay fataahadaha ku dhuftay dalkaas.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed garab istaagga walaaltinimo ee ay u muujiyeen dalkiisa, gaar ahaan in Muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan dalkeenna laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xiriira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan oo ina garab istaagay xilliyo adag.

Sudan ayaa dhowaan lagu soo rogay xaalad deg deg ah ka dib markii ay dalkaas ku dhufteen roobab iyo fatahaado iswata oo khasaarooyin xooggan geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe & dhigiisa Mustafa Åžentop?

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir ka furay Muqdisho & qodobada looga hadlayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

C/rashiid Janan oo Muqdisho ku yimid socdaal shaki badan laga Muujiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---