Wararkii Ugu Dambeeyay kulan uu qeyb ka ahaa Deni oo ka dhacay Guriga Xasan Sheekh (Sawirro)

Waxaa maanta guriga magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dhacay kulan gaar ah ay lahaayeen Madaxweynaha Puntland iyo Siyaasiyiin kale oo Mucaarad ah.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan, Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxaamn Cabdishakuur iyo Xildhibaano .

Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa intii uu socday siyaasiyiintan kulmay uga wada hadleen arimo xasaasi ah oo ay kamid tahay sidii looga shaqeyn lahaa in dalka ka dhacdo doorasho raali laga wada yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Madaxdan la kulantay Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale talooyin ka siiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wadahadalada la filayo in isaga iyo Axmed Madoobe la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili Madaxda Puntland iyo Jubbaland u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii Madaxweynaha Soomaaliya ugala xaajoon lahaayeen shirkii ay ka dbaaqsadeen ee ka dhacay Dhuusomareeb iyo qodabadii kasoo baxay shirkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -