Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Wafdiga Axmed Madoobe iyo Deni waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ,Xildhibaano ,Duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Labada Madaxweyne ayaa soo dhaweynta kadib la filayaa in loo galbiyo goob gaar ah oo loo diyaariyay in ay joogaan maalmaha ay Muqdisho ku sugan yihiin.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntlabd ayaa magaala Muqdisho shir kula qaadan doona Madaxweynaha Soomaaliya si heshiis looga gaaro qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareen 3.

Related posts

Madaxweyne Musaveni oo dhaleeceeyay Gabadha ugu quruxda badan Qaarada Afrika

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday nin Al-Shabaab u qaabilsana kala gudbinta hubka iyo qaraxyada

Caydiid Ali

Taliyaha Booliska Jabuuti oo dalka yimid & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---