Wasaarada Caafimaadka DF oo shaacisay Sahan ay ka sameysay meelo ay ku jirto Somaliland

WAR-SAXAAFADEED
Talaado, 25 August 2020

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee DFS Iyadoo la kaashaneysa hay’ada ay wada shaqeyaan ee Somalia, Gaara ahaan UNICEF-Somalia, Waxaa sharaf Weyn u ah in ay soo saarto maanta natiijada Sahanka xogta nafaqada soomaaliya oo dhammeystiran (The Somalia Micronutrient Survey 2019 results), Waxaa Xusid mudan in Soo gabagabeynta iyo ka guulgaarista qabashada sahanka nafaqada ay tahay guul inoo soo wadahoyatay dhamaanteena.

Sahankan Waxay ujeedadiisu ahayd in uu bixiyo sawir guud oo ku saabsan heerka nafaqada haweenka iyo caruurta Da’doodu kayar shanta sano. Waxaana sahankani lagu sameeyey 2,400 qooys oo ku kala nool; Somaliland, puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabele, koonfur-galbeed, Gobolka Benaadir iyo sidoo kale dadka barakacayaasha (IDPs) si loo ogaado heer kooda nafaqada.

Uruurinta xogta sahanka nafaqada lagu aruuriyay waxaa ka mid ah; xogtaqoyska (House Hold Data), xogta cabirka koritaanka jirka caruurta (Child Growth Monitoring) iyo; tilmaamayaal badan oo ay ka midyihiin: dhiiga, kaadida iyo saamiyada biyaha iyo Cusbada.

Natiijada sahanka nafaqada kasoo baxday waxaa lagu ogaaday:

  • In kabadan 40% oo haween iyo caruur ah ay qabeen dhiig yari (Aneamia)
  • 34% oo caruur ah ayaa qabay Vitamin A yari (Vitamin A deficiency)
  • 11% oo haween ah ayaa qabay vitamin A yari ( Vitamin A deficiency)

Ayadoo laga Tixraacaayo natiijooyinka kasobaxay sahanka nafaqada ee soomaaliya 2019 Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya waxay horseed u noqon doontaa dejinta siyaasadda iyo istraatiijiyadaha lagu yareyn doono heerka nafaqo yarida (malnutrition) sidoo kalena waxay kor uqaadi doontaa heerka nafaqada haweenka iyo caruurta shanta sano kayar iyo guud ahaanba dadweeynaha soomaaliyeed.

Ugudanbeyntii Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya waxay ku boorineysaa dhamaan hay’adaha dowlada, Hay’adaaha UN ka, Kuwa Caalamiga ah, Ururada Maxaliaga ah, Ganacsadata, Shirkadaha gaarka loo leeyahay, Iyo Kuwa Cilmibaarista, in ay u isticmaalaan natiijada sahanka nafaqada soomaaliya 2019 dhamaan barnaamijyada Hurmarinta nafaqada ee guuudahaan dalka .

Mahadsanidin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -