Allbanaadir.com
NEWS

Nin si Khaldan Telfoono badan u wacay oo lagu ganaaxay lacag dhan 120 milyan oo Dollar

Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu ganaaxay in uu bixiyo  $120 milyan oo doolar, kadib markii ninkan lagu helay in 90 milyan oo taleefoono si aan haboonayn dad ugu diray isaga oo isticmaalaya aalada loo yaqaan Robots.

Waxaa la sheegay in ninkan dadka uu wacay u sameenayay Suuq geyn sida in laga iibiyo guuryo, waxaana dad badan layaab ku noqotay ficilka ninkan uu sameeyay kuna wacay telfoonadaas badan.

War kasoo baxay Wakaaladda Isgaarsiinta Maraykanka ee FCC ayaa lagu sheegay in ficilka ninkan uu sameeyay uu yahay mid xad gudub ku ah xeerarka isgaarsiinta dalkaasi Mareykanka.

Andian Abromovich oo ah ninka lagu helay dambigan ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 120 Milyan oo Dollar, waxa ayna noqoneysaa ganaaxii ugu badnaa ee lagu soo rogo qof dambigan oo kale galay.

Afhayeen u hadlay wakaaladda Isgaarsiinta Mareykanka ayaa sheegay in lacagtan badan ee lagu ganaaxay ninkan uga gon leeyihiin si looga hortago in dad kale ku dhaqaaqaan falkan oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia heyadda IFAD oo kala saxiixday heshiis faa’iido badan leh (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska hor imaad khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dugsi casri ah Oo Bishaaro Qiimo Badan U Sida Qurbajoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---