Iska hor imaad khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ku sugan bar koontarool oo yaala agagaarka Daarta Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa la dagaalamay rag hubeesan oo la sheegay in ay rasaas kusoo fureen ciidamada .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag hubeesan oo xirnaa dareeska milatariga ay rasaas ku fureen ciidamada booliiska ee koontaroolka joogay , waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhax maray ciidamada booliiska iyo ragii hubeesnaa .

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadkaasi waxaa ku dhintay dad gaaraya 7-ruux oo afar kamid ah la sheegay in ay katirsan yihiin ciidamada booliiska iyo sidoo kale ragii hubeesnaa ee soo weeraray.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in la toogtay labo nin oo katirsan Al Shabaab oo doonayay in ay xoog ku maraan barta koonatool ay ku sugnaayeen ciidamada booliiska.

Dad shacab ah oo ka agdhawaa halka ay rasaasta ka dhacday ayaa waxaa so gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, lamana oga weerarkan in uu ahaa mid qorsheesan iyo in kale.

Iska hor imaadkan dhax maray ciidamada amaanka iyo raga hubeesan ayaa kusoo aadaya xili saakay ciidamada amaanka fashiliyeen qarax xoogan oo la doonayay in lagu weeraro bartilmaameed ana wali la ogeyn.

 

- Advertisement -