Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ajaaniib muddo dheer ku afduubnaa gudaha Soomaaliya oo la sii daayey

Sida uu Wakaaladda Reuters u sheegay la taliye sare oo dhanka dembiyada ka dhaca baddaha ah, saddex nin oo u dhalatay dalka Iiraan oo u afduubnaa burcad-badeed Soomaali ah tan iyo sanadkii 2015 ayaa la sii daayay.

Raggan ayaa ahaa shaqaalihii ugu dambeeyay ee saarnaa markabka kalluumeysiga FV Siraj ee Iiraan laga leeyahay, kaasoo ay qabsadeen 22-kii March, 2015.

Qofkii afaaraad ee shaqaalaha ka tirsanaa ayaa la sii daayay sanadkii hore, maaddaama uu u baahnaa daryeel caafimaad oo degdeg ah ka dib markii uu xanuunsaday.

John Steed oo ah sarkaal ciidamada Britain ka tirsanaa, isla markaana sanado ku bixiyay dadaalka sii deynta dadka ay burcad-badeedda ku afduubtaan Soomaaliya, ayaa sheegay in raggan la sii daayay Sabtidii la soo dhaafay, haatanna ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya oo ay ku sugayaan baaritaanka coronavirus kaddibna ay dalkooda u safri doonaan.

“Tani waxay soo afjareysaa muddadii burcad-badeedda Soomaalida iyo xanuunka ay dareemaan dadkii lagu afduuban jiray Soomaaliya ee la iska illaabay,” ayuu yiri John Steed oo aan faahfaahin ka bixin in sii deynta raggan lagu bixiyey madax furasho iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoonka labada Aqal oo kawada hadlay Dib u eegista lagu sameenayo Dastuurka KMG (Sawirro)

Cabdi Cade

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo xilka ka qaaday Ku-xigeenkiisa dagaalka kala dhaxeeyo

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar ka geesatay gudaha Kenya iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---