Xeer ilaalinta oo shaacisay liiska Masuuliyiin Musuq u xiran iyo kuwa baxsad ah (Magacyada)

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay liiska 18-qof oo isugu jira masuuliyiin katirsan dowladda oo hadda xiran iyo kuwa kale oo baxsad ku jira.

Masuuliyiinta xiran oo isugu jira agaasimayaal wasaaradeed, kuwa katirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyada iyo bangiga ayuu dalbaday xeer ilaalinta in lasoo mudeeyo waqtiga maxkamadda gobolka Banaadir la horgeenayo.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa shaaciyay in ay jiraan masuuliyiin hadda katirsan dowladda iyo kuwa horey xilal usoo qabtay oo loo heesto musuq maasuq, kuwaa uu tilmaamay in ay dalka ka maqan yihiin ayna ku jiraan baxsad.

Masuuliyiinta xeer ilaaliyaha magacooda shaaciyay ee baxsadka ah ayaa waxaa ku jira agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jindiyadaha Soomaaliya Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Korneel Maxamed Jimcaale Koofi.

Akhriso Magacyada Masuuliyiinta xiran iyo kuwa baxsadka ah

Jooge/xiran

1- Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020
2- Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 – 2020
3- Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta
4- Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta
5- Saabir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta
6- Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta
7- Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga
8- Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta
9- Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

Maqane/baxsad

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.
2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde
3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim
4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey)
5- Maxamed Idiris Axmed
6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)
7- Cabdiqaadir Cilmi Cali
8- C/raxmaan Maxamed Cali
9- Abubakar Xasan Aadan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -