Qaramada Midoobay oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii qaraxa ku bilowday ee shalay galab illaa xalay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacabay barta Twitterka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo saacado socday ay ku dhinteen dad badan oo ay ku jireen Mas’uuliyiin, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynayaan weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiliyada ay jiraan xaaladaha adag.

Weerarkii lagu qaaday Elite Hotel oo iskugu jiray qarax gaari iyo mid toos ah ayaa ayaa waxaa ku dhintay 16 ruux, halka dhaawacyada ay yihiin 18 ruux, waxaana dadka dhintay ku jira shan a mid ah dagaalyahanada gudaha u galay qaraxa ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -