Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka ka socda Xero ay leeyihiin Milateriga Somalia

Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka aroornimadii  waxay weerar qarax ku bilowday iyo dagaal toos ah ku qaadeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay fariisimo ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin degaanka Goof-gaduud Buurey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo weli socda sida wararku nagu soo gaarayaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay inkastoo aan aan tirakoob sax ah laga heynin.

Guddoomiyaha degaanka Goofgaduud buurey Isxaaq Cali Isxaaq ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab soo qaaday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus

Dhankooda, War qoraal ah oo ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegteen inay qabsadeen degaanka Goof-Guduud, isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Xoogga dalka.

Al-shabaab ayaa maalmahan xoojiyey weerarada ay ka ka geysanayaan qeybo ka mid ah Somalia, shalay ayeyna aheyd markii weerar ku bilowday qarax gaari ay ka fuliyeen Hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil ka qaadis lagu sameeyay Wiilka Madaxweyne Museveni iyo Darajo sare oo la siiyay

Cabdi Cade

Goobihii Maan-dooriyaha lagu iibin jiray ee Muqdisho oo inta badan xirmay

Cabdi Cade

Xubnaha labada aqal ee Jareerweyne oo go’aano ka soo saaray xariga Jen. Sheegow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---