Weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhaxe oo shaki badan abuuray iyo baaritaano bilowday

Maxaabiis katirsaneyd kooxda Al shabaab oo ku xirneed xabsiga dhaxe ee Xamar ayaa shalay galab halkaasi ka geestay toogasho, waxa ayna maxaabiista dagaal la galeen Ciidamada Asluubta ee xabsiga maamulayay iyo ciidamo kale usoo gurmaday.

Qaar kamid ah Maxaabiista Al Shabaab ee ku xirneyd xabsiga dhaxe ayaa si fudud ku helay qoryo ay lahaayeen ciidanka Asluubta , waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in maxaabiista qaar gudaha loogu geeyay hubka ay ku dagaalameen qaarkood.

Ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa markii dambe soo afjaray weerarka ka socday gudaha xabsiga Dhaxe kadib markii ay dileen qaar kamid ah ragii xabsiga ka dhax dagaalamayay.

Waxaa soo baxaya shaki ku aadan in maxaabiista loo fududeeyay weerarka ay ka geesteen gudaha Xabsiga Dhaxe, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in mid kamid ah maxaabiista uu baxsaday inkastoo aan wali la shaacin shaqsiyada ruuxaasi baxsaday.

Wasiirka Cadaaladda Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan sababtii ka dambeysay weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar iyo sida maxaabiista hubka ku heleyn.

Dad ku xeel dheer arimaha amaanka ayaa aaminsan in weerarka ka dhacay gudaha Xabsiga Dhaxe u muuqday mid la qorsheeyay oo mudo laga shaqeenayay, waxa ayna shaki galiyeen warka kasoo yeeray taliyaha ciidanka Asluubta oo ahaa mid aan fadhin.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in maxaabiista Al Shabaab ku dagaalameen labo qoray oo ay ka disheen labo askari, waxaana tirada maxaabiista la dilay gaarayeen ilaa 6 nin taa oo shaki badan iyana dhalisay.

Baaritaanka uu sheegay Wasiirka cadaalada Soomaaliya in lagu sameenayo dhacdadan ayaana dadka Soomaaliyeed aysan ka dhursugeyn maadaama inta badan baaritaanada dowlada sameyso aan bulshada loo soo bandhigin natiijada kasoo baxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -