Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Cadaaladda “Lix ka mid ah kuwii falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga waa la qabtay “

Wasiirka Cadaaladda Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan sababtii ka dambeysay weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada ammaanka ay ka geysteen howlgalkii ay ka fuliyeen gudaha xabsiga dhexe.

Sidoo kale Wasiir Xasan Xuseen oo shacabka kala hadlayay Telefishinka Qaranka ee ku hadla Afka Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen Lix ka mid ah kuwii maanta falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo haatan ay ku socooto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarki maanta ka dhacay xabsiga gudahiisa.

Ugu danbayntii Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada socda iyo wixii ka soo baxa, waxaana uu ciidanka kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Related posts

(Akhriso): Khudbadii Farmaajo ka jeediyey Shirka Golaha guud ee QM oo dhammeystiran

Caydiid Ali

Maxkamad la soo taagay nin ku eedeysan Daacish iyo inuu dilal geystay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Hargeysa iyo ninkii geestay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---