Doorasho Qof iyo Cod ah Soomaaliya maka dhici kartaa Xiligan ?(Akhriso Xaqiiqooyin jira)

Waa su’aal aad la isku weydiinayo suurtagalnimada iyo sida loo hirgalin karo ha yeeshee bal waxa aynu ku horeyn doonaa in aynu ogaano doorashada qofka iyo codka ah ta looga jeedaa xiligan nooca ay tahay.
Waxa jirta doorasho muuqaal doorasho leh oo had iyo goor laga qabto wadamada nidaamyada  kalitaliska ahi ka taliyaan oo ah metelaad doorasho,  waxaana ay sameeyaan in magaalooyinka meelaha xarumaha dawladaha hoose ama xarumaha dadku wada leeyihiin inta  la dhigo sanaaduuq cod bixin lagu sheego in ay doorasho dhacday oo dadku codeeyeen.
Waxa aan is leeyahay Somalia hadii loo jeedo doorasho qof iyo cod ahi hadii taa looga jeedo waa la sameyn karaa waanay ka dhici kartaa in loo eekaysiiyo doorasho amaba aan odhan karno doorasho ka duwan tii hore loo qaban jiray ayaa la qabtay.
DOORASHO QOF IYO COD AHI WAA NOOCEE MAXAYSE U BAAHAN TAHAY ?
Doorasho hal qof iyo hal cod ahi waa doorasho ka dhici karta dal dimuqaradi ah oo leh nidaamka ururada iyo axsaabta badan,  isla markaana ah dal degen siyaasad ahaan iyo nabadgalyo ahaanba.
Waa doorasho ka dhici karta dal dadkiisu fahamsan yihiin doorashooyinka iyo dimuqaradiyada isla markaana ay yihiin dad bisil oo ka soo gudbay marxalado badan oo ka horeeya doorashada qofka iyo codka ah ee la rabo in la hirgaliyo.
Waa doorasho ka dhici karta dal ay nabadgalyadiisu sugan tahay oo aan kala xidh-xidhnayn cabsiyi aanay jirin oo dadka axsaabta ah , murashaxiinta ololaha ku jirta iyo cod bixiyayaashuba ay tagi karaan meelkasta oo dalka ka mid ah.
Waa doorasho u baahan dhaqaale badan iyo wakhti ku filan oo lagu hirgaliyo nidaamkaasi maadaama oo uu yahay wax cusub oo aan hore u dhici jirin oo u baahan aqoonteeda iyo waayo aragnimada hawlahaa adag loogu badheedhayo.
Waa doorasho u baahan xeeearkii doorashada ee lagu dhaqayey min goobta cod bixinta ilaa xarunta gudiga doorashada heer qaran hawlaha  ka socda , doorasho lama qaban karo ilaa shuruucdeedii iyo xeerarkeegii lawada diyaariyo isla markaana xeerarkii anshaxa laga saxeexo axsaabta tartamaysa.
Waa doorasho u baahan ciidamo dhisan oo hanan kara waajibaadka qaran ee ka saaran hirgalinteeda iyaga oo ku shaqeynaya xeerarka iyo shuruucda loo dejiyey doorashooyinka,  inta ay doorashadu socotana la rabo in ay ka amar qaataan komishanka doorashada min goobta cod bixinta ilaa heer qaran.
Waa doorasho u baahan in ay goob joog ka ahaadaan beesha caalamka , ururada bulshasa iyo dadka ka yimaada dunida dimuqaradiga ah isla markaana ay tagi karaan xarun kasta iyo goob kasta oo cod bixinta doorashadu ka dhacayso.
Haddaba marka la eego xaqiiqada maanta Somalia ka jirta iyo nooca doorashada ee lagu hadaaqayo hadii looga jeedo doorashada dambe ee aan sharaxay kama hirgali karto Somalia sanado badan oo soo socda xataa marka lagu daro.

W/Q Muxamed Dhimbiil

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -