Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxman iyo Ku-xigeenkiisa 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday ayaa caawa kulan xasaasi ah la qaatay hogaamiyaasha Madasha Xisbiyada Qaran Shiikh Shariif Sheekh Axmed Xassan Sheekh Max’uud.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ayaan laga heynin faahfaahin ku saabsan waxyaabaha looga hadlayo balse ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegayaa in kulankaas ay dalbadeen gudoonka golaha shacabka Somalia oo xaruntooda ugu tagay masuuliyiinta madasha.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mursal iyo Muudey ay madaxda Madasha gaarsiiyeen fariin ka timid Madaxweynaha Somalia oo la xiriirta dhismaha xukuumada cusub ee la soo dhisayo ka dib markii uu meesha ka baxay RW Khayre.
Madasha ayaa loo soo bandhigay iney ka qeyb ka noqdaan xukuumada cusub ee la soo dhisayo, lana siiyo xilal wasiiro u badan, si ay taas bedelkeed u taageeraan muddo kororsiga uu damacsan yahay Madaxweyne Farmaajo.
Madaxda Madasha oo sida ilo wareedyo sheegayaan filayey in la siiyo xilka Ra’isul Wasaaraha si uu xagooda uga yimaado ayaa ku gacan seyray xilalka wasiirada ah ee loo soo bandhigay, iyagoo sheegay iney sugayaan bilaha kooban ee ka harsan muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo, si ay doorashada uga qeyb qaataan.
Kulankaas oo muddo saacado ah socday ayaa lagu kala kacay ka dib markii la isku mari waayey, waxaana gudoonka golaha shacabka ay madaxdii hore u sheegeen iney ku war celinayaan Madaxweyne Farmaajo.
Kulankan oo ahaa kii 3aad ee labada dhinac yeeshaan ayaa ku soo aadaya xili qaab uu muran ka taagan yahay xilka looga qaaday RW hore ee Somalia Xasan Cali Khayre, kaasoo haatan kursigiisa ay gorgortamayaan madaxda sare ee dowlada si ay ugu bedeshaan damaca kaga jira muddo kororsiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com