Dameer Sabab u noqday Shilkii Diyaaradeed ee shalay ka dhacay Garoonka Baladweyne

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Bluebird Aviation oo laga leeyahay Kenya ku bur burtay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne xili halkaasi ay ka dageysay.

Warar cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in shilkaasi diyaaradeed uu sababay dameer dhax socday garoonka, waxaana la sheegay in duuliyaha diyaarada uu arkay dameer socda jidkii ay diyaaradu ku degi laheyd.

Maareeyaha Guud ee shirkadda diyaaradaha Bluebird, Duuliye Xuseen Maxamed, ayaa sheegay diyaarada bur burtay ay raashin u siday ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Baladweyne.

“Mid ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddu lahayd ayaa ku burburtay gudaha Soomaaliya, waxayna siday raashiin loogu talagalay ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM ee ku sugan magalada Beledweyne,diyaaradda burburtay markii ay gaartay garoonka diyaaradaha Beledweyne, ciidamada Jabuuti oo garoonkaas gacanta ku haya ayaa amar ku siiyey iney soo degto, markii ay garoonka soo cagadhiganeysay waxaa waddada marayay dameer, diyaaradduna waxay ku dhacday dameerki sidaas ayeyna waddadi uga baxday balse shaqaalihi saarnaa way ka badbaadeen shilkaas”.ayuu yiri Duuliye Xuseen.

Duuliyaha diyaarada iyo caawiyihiin iyo qof kale oo la socday oo katirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo fud fudud, waxaana Shaqaalaha diyaarada loo qaaday dalka Kenya halkaas oo lagu daweenayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -