Dad uu ku jiro Macalin dugsi Quraan oo lagu laayey degaan hoostaga Galgaduud

Rag ku lebisnaa dareyska ciidamada oo qaab beeleed u abaabulnaa ayaa duleedka degmada Ballanballe ku laayey dad shacab ah oo uu ku jiro macallin wax ka dhigi jiray Dugsi qur’aan halkaas ku yaalla.

Falkan ayaa ka dhacay Tuulada Xersi Lugey oo u dhaxeysa Balanballe iyo Guriceel, waxaana dadkan ay wararku sheegayaan in dilkooda uu salka ku hayo aano qabiil oo la xiriirta dilkii saraakiisha milateriga.

Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay: Gaarane Cawil Samatar, Cabdi Xersi Carab Kaahiye, Cabdi Yare Maxamed Aw-faarax,  Caddaawe Xersi Lugey, Cali Dheere Xersi Cawaale, Dadkan la laayey ayaa kasoo jeeda degmada Guriceel, halka maleeshiyada dilka geysatay ay ka timid degmada Ballanballe.

Waxaa falkaasi cambaareeyay mas’uuliyiinta iyo xildhibaannada kasoo jeeda degaankaasi oo ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo aan nabada u hiilineyn, waxaana laga cabsi qabaa in falkan uu xiisad cusub ka dhex abuuro beelaha halkaas wada dega.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -