Allbanaadir.com
NEWS

Su’aalo laga keenay qaabka uu u dhaawacmay Ciyaaryahanka caanka ah ee Max’ed Saalax (Daawo Sawirro)

Ciyaaryahanka caanka ah Maxamed Saalax ee u dheela kooxda Liverpool, kaas oo xalay garabka six un uga dhaawacmay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhexmartay kooxdiisa iyo Real Madrid ayaa ku jira isbitaal.

Shabakadda Wararka ee Kooxda Liverpool FC ee dalka Britain ayaa lagu soo qoray in dhaawaca Ciyaar-yahankooda Maxamed Salaax uu yahay mid aad u culus, kadib, markii uu xalay ku dhaawacmay Ciyaartii Liverpool iyo Real Madrid ku dhex martay Caasimadda dalka Ukrine ee Kiev.

Isku-day lagu doonayey in dhaawaciisa lagu dhex daaweeyo Garoonka ayaa lagu guul-daraystay, waxaana Ciyaar-yahanka loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalladd Kiev, halkaasi oo dhaawaciisa la saaray Raajo (X-Ray).

Markii uu Maxamed Saalax ka baxay ciyaarta ayaa waxaa si weyn u niyad jabay ciyaartoyda iyo kooxda Liverpool, taasoo aakhirkii keentay in 3-1 ay koobkii horyaalada Yurub ku hantiyaan kooxda Real Madrid oo koobkan qaaday markii 3aad oo xiriir ah, 14 jeerna ku guuleysatay.

Maareeyaha Kooxda Liverpol, Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyey inuu dhaawaca Maxamed Saalax yahay mid aad u culus.

Ciyaaryahanka waxa uu ka dhaawacmay Garabka Bidix, xilli ay ciyaartaasi socotay muddo 30-daqiiqo ah, kadib, markii ay isku dhaceen Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.

Sida la arkayey Sergei Ramos waxa uu u muuqday mid ku dhegan Gaacanta Maxamed Salaax, ilaa ay isku garab dhacayeen.

Garsooraha ayaa iska indha-tiray gacan-qabashadaasi oo uu Kabtanka Real Madrid ku muteysan lahaa Kaarka Jaallaha,.

Taageerayaasha Liverpool ayaa rumeysan in uu Sergei Ramos si ku-talagal ah u dhaawacay Ciyaar-yahanka Reer Masar ee Maxamed Saalax.

Xiriirka kubbadda cagta ee Masar ayaa sheegay in ay rajaynayaan in Maxamed Salaax ay u suurtogali doonto in uu u safto xulka dalkiisa, kana qeybgalo koobka adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in Janaraal Xuud uu lamid yahay kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

(Akhriso) Mahad Salaad oo talooyin Muhiim ah u jeediyey dowlada & Ahlu sunna

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si maamuus leh u qaabilay Axmed Burhaan Max’ed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali