Ciidamada dowlada oo Awood u adeegsaday dad Muqdisho ka dhigayay banaan bax (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay awood u adeegsaday dad isugu soo baxay fagaaraha daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo dhigayay banaan bax looga soo horjeeday dowlada federaalka.

Dadka banaan baxa dhigayay oon tiro ahaan sidaa u badneyn ayaa watay makarafoono iyo boorar , waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamo katirsan booliiska oo horey loo geeyay fagaaraha daljirka dahsoon ayaa ku guul dareestay in marka hore celiyaan dibad baxayaasha , hasa ahaatee booliiska ayaa markii dambe dadkan awood u adeegsaday iyagoona rasaas ku furay.

Fagaaraha daljirka dahsoon ayaana laga maqlayay rasaas uu ku jiro qorayga dhashiikaha loo yaqaan ay ridayeen ciidamada booliiska, waxaana kala cararay inta badan dadkii banaan baxa dhigayay.

Banaan baxa saakay booliiska awooda ku kala eryeen ayaa ilaa xalay abaabulkiisa laga dareemayay magaalada Muqdisho, waxaana dowlada federaalka ciidamo badan geesay Daljirka dahsoon si banaan baxa loo fashiliyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -