Al Shabaab oo War kasoo saartay Qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada labo qarax oo saakay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, qaraxyadan ayaana dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in saakay qarax ismiidaamin ah ku weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamo booliis ah oo kutaala agagaarka dekadda magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ka dhacay banaanka dekadda Muqdisho ku dileen labo askari oo katirsan ciidanka booliiska sidoo kale ku dhaawaceen 8-askari kale oo katirsanaa ciidanka booliiska.

“Laba askari oo booliiska katirsan ayaa ku dhintay qarax ay mujaahidiintu kula beegsadeen nawaaxiga dekadda Muqdisho sideed kalane waa ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay masuuliyada qarax miino oo saakay ka dhacay maqaayad kutaala bar koontarool oo laga soo galo magaalada Baydhabo, waxa ayna Al Shababa sheegeen in qaraxaasi ku dileen afar askari oo katirsan ciidanka Koonfur Galbeed

“Afar katirsan ciidamada  maamulka Koonfur galbeed ayaan ku dhintay qarax ay mujaahidiintu kula beegsadeen isku imaatin ay uga sugnaayeen magaalada Baydhabo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qaraxa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa booliiska Soomaaliya sheegeen in uu ku dhintay kaliya ninkii fuliyay sidoo kale ay ku dhaawacmeen shan askari oo katirsan ciidanka booliiska.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -