Kulan Su’aalo lagu weediinayay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo su’aalo lagu weediinayay Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka kuwooda ugu saameynta iyo taageerada badan.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa kulanka su’aalaha lagu weediinayay la qaatay qaar kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanada uu ku matalo kursiga golaha shacabka uu ku fadhiyo , waxa ayna dhalinyarada kulanka intii uu socday su’aalo badan weediiyeen Xildhibaanka.

Kulanka Xildhibaanka xalay la qaatay Dhalinyarada aqoonyahanada ayaa qaatay saacado badan, waxa uuna Xildhibaanka su’aalihii ay weediyeen dhalinyarada uga jawaabay si waafi ah ay inta badan ku qanceen dhalinyarada.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa dhalinyarada u sharaxay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna balan qaaday in wax qabad kale oo muuqda la imaan doonto inta uu kursiga Xildhibaanimo ku fadhiyo.

Kulanka ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, waxa ayna xildhibaanka iyo dhalinyaradii kulanka kasoo qeyb galay ku balameen in la ay isugu yimaadaan kulamo kale oo kan kasii balaaran.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow ayaa ah siyaasi inta badan dhiiro galiya aadna wax ugu qabta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxa uuna Xildhibaankan oo lagu soo doortay Cadaado kamid yahay Xildhibaanada haldowrka ah ee lagu daydo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -